Dagaal culus oo u dhaxeeya Taageerayaasha Madaxweynihii hore Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Maleeshiyada Shiicada Xuutiyiinta ayaa ka socda magaalada Sanca, iyadoo dagaalka uu ku fiday qeybo hor leh.

Dagaalka ka socda Sanca ayaa ka dambeeyay, kaddib markii Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax uu ku baaqay wada hadalo uu la galayo Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Maleeshiyada Xuutiyiinta oo horay xulufo ula ahaa Cali Cabdalla Saalax ayaa weeraray mas’uuliyiin ka mid ahaa Kooxda taageersan Cali Cabdalla Saalax.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada Sanca, waxaana la soo warinayaa in dad ka badan 10 ruux ay ku dhinteen dagaalka, halka tiro kale ku dhaawacmeen.

Jabhadda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay taageerayaasha Cali cabdalla Saalax ka saarayaan magaalada Sanca iyo meelaha ay kaga sugan yihiin.

Sarkaal u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Cali Cabdalla Saalax uu daboolka ka qaadayo shakigii ay markii hore ka qabeen ee ahaa inuu la safan yahay Isbaheysiga Sacuudiga

Isbaheysiga Sacuudiga ayaa kor kala socda xaalada magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah dalka, iyagoo u arka fursad inay isku dhacaan dhinacyada awooda ku lahaa magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah Koofurta Yemen