Dawlada Federaalka Jamhuuraiyada Soomaaliyeed weey ku guul dareeysatay xilkii aay wadanka u haysay.

DP world oo bilaabeeysa wajigii wugu horeeyaya ee mashruuca dakada Berbera. Kuma dhiirateen DP world ineey bilawday hadeeyna Farmaajo iyo Khayre taageero ka haysan.

Waxana hubaal ah in Jamhuuriyada Soomaaliyeed gobol gobol u kala go’eeyso uuna ka suuli doono wax qaran Soomaaliyeed la yidhaahdo caalamka.

Laakin Soomaali ha ogaato in madaxweeynihii hor ee Xassan Sheikh Mohamed, Farmaajo, iyo Kayre aay yihiin shakhsiyaadka qarankii Soomaaliyeed dumiyay.

Intii aay xukunka hayeen iyakoo dawlad taama ah waxay xaqireen gobolada iyo dadka 27 sano u taagnaa isku haynta wadanka sida Awdal, Sool. iyo Sanaag. waxay bilaabeen naas-noojin cad si loo naaxiyo dadka gu’ida wada.

Waxay dhiirigaliyeen in UAE aay bilawdo in aay Saldhig Military ka sameeysato Berbera si cudud militari oo taageerta kooxda la baxday “Somaliland” loo helo. Aakhirka arinku noqday fait accompli (wax dhammaaday oon waxba laga qaban karin).

Mustaqbalka dhaw waxad arki doontaan iyadoo gobolo badan oo Soomaaliyeed aay iyakuna gu-id ku dahwaaqayaan si aay wadano ajaaniba oo jiritaankooda suga u helaan maadaama dawladii Soomaaliyeed ee xilka lagu aaminay aay wajibkeedii ka soo bixi weeyday, baarlamankii Soomaaliyeed ka seexday shaqadiisii.