Dawlada Itoobiya oo ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor diiq qaran ah

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii 52 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya, Axaddii.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya, dusha kaga tuuray dad ‘Nabad diid’ ah.

Inta badan dadka dhintayna waxay ku dheceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.

Ra’iisul Wasaare, Hailemariam Desalegn, ayaa khudbad uu taleefishinka qaranka Itoobiya ka jeediyay wuxuu ku amaanay ciidammada ammaanka.