Dawladda Turkiga oo sixiixday heshiis ay Ruushka kaga soo gadanayso lidka diyaaradaha ee S-400.

Dawladda Turkiga ayaa sixiixday heshiis muran dhaliyay oo ay Ruushka kaga soo gadanayso lidka diyaaradaha ee S-400, si ay ugu xoojiso ciidammadeeda.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu bixiyay carbuunta heshiiskan oo lagu qiyaasay 2.5 bilyan oo doolar.

Turkiga ayaa leh ciidammada labaad ee ugu badan ee Gaashaanbuurta Nato, dalalka xulafada ku jirana waxaa lagu booriyay in ay iibsadaan hub kuwaas u dhigma.

Turkiga ayaa calaaqaad dhaw la yeeshay Ruushka wixii ka dambeeyay markii uu xumaaday calaaqaadkii ay la lahaayeen Maraykanka.

Turkiga ayaa ka soo horjeeda taageerada Maraykanka ee jabhadda YPG ee Kurdiyiinta Suuriya.

Ruushka ayaa sheegay in hannaanka S-400 uu gaari karo 400km wuxuuna isku mar soo ridi karaa 80 bartilmaameed.

Ruushka ayaa S-400 ku rakibay saldhigiisa ciidamma cirka ee ku yaala meel u dhaw magaalada Latakia ee dalka Suuriya bishii Disembar ee 2015kii, ka dib markii diyaaradaha dagaalka ee Ruushku ay soo rideen diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo nooceedu ahaa Su-24, taas oo maraysay xadka Suuriya iyo Turkiga.

Arrintaas ayaa horseeday muran dublamaasi oo dhex maray Ruushka iyo Turkiga, laakiin madaxweyne Erdogan ayaa meesha ka saaray madmadawgii soo kala dhex galay madaxweyne Vladimir Putin.