Dayuurado Milateri oo ka kala socda dowladaha Maraykanka iyo Qatar Oo Xamar Hada Ka Degay.

Deg Deg Daawo Sawiro:Dayuurado Milateri oo ka kala socda dowladaha Maraykanka iyo Qatar Oo Xamar Hada Ka Degay,

Dayuurado milateri oo ka kala socda dowladaha Maraykanka iyo Qatar ayaa goor dhow ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magalada Muqdisho.

 

Labada dayuuradood ayaa siday shixnado isugu jira dawooyin iyo qalab Caafimaad oo loogu talo in lagula tacaalo boqolaalka qof ee ku dhaawacmay qaraxii maalmo ka hor ka dhacay Muqdisho kuwaasoo daadsan isbitaalada caasimada qaarkood.

Dayuurad ka timid alka Qatar oo ah mid aad u weyn ayaa la filayaa iney horey u sii qaado dadka dhaawacyada halista ah qaba si dalkaas loohu dawaeeyo.

Sidoo kale labo dayuuradood oo ka yimid dowlada Kenya ayaa soo gaaray saaka Muqdisho kuwaasoo siday qalab caafimaad iyo dawooyin loogu talo galay dadka dhaawaca ah.

Garoonka Aadan cadde ayaa waxaa laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa, waxaana si isdaba joog ah u soo gaaraya dayuurado sida kaalmooyin ay soo direen dowlado saaxiib iyo walaal la ah Soomaalida, kuwaasoo loogu talo galay dadka ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho