Dekeda Hobyo Gaadiid Badan iyo Shidaal Laga Soo Dajiyay?

Deg Deg Daawo sawiro:Dekeda Hobyo Gaadiid Badan iyo Shidaal Laga Soo Dajiyay?

Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa muddo dheer ka dib waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq ganacsi, ka dib markii todobaadkan ay Dekadda macmalka ah ee Hobyo ay ku soo xirteen laba doomood oo shixnado kala duwan wada una raran ganacsato Soomaaliyeed.
Doomahan oo wada Raashinka nuucyadiisa kala duwan, Baabuur, qalabka dhismaha iyo agab kale, ayaa ka kala yimid Mambasa iyo Dubai, waxaana maamulka Galmudug uu canshuur la’aan ka dhigay dhammaan waxyaabaha ka dagaya Hobyo si hawlgalinta Dekadda loo dhiiri galiyo.
C/raxmaan Cadaawe Maalin waxa oo gudoomiye u ah gudi 25-xubnood ka kooban oo bilihii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlgalinta Dekadda Hobyo, ayaa sheegay in hadda hormar wayn laga sameeyay dhinacyada shaqada Dekadda, wadooyinkii la marsiin lahaa badeecooyinka iyo dhismaha Airport-ka Hobyo.