(August 24,2016) Dhul Gariir Qasaaro kala duwan sababay oo ku dhuftay Dalka Talyaaniga -VIDEO

Dhul Gariir Cabirkiisa lagu qiyaasay 6.2-magnitude ayaa ku dhuftay magaalada Pescara del Tronto iyo deegaano kale oo kuyaala dalka Talyaaniga , waxaana dhul gariirkan ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta hada la xaqiijiyay waxaa Meydadkooda la helay ilaa 21-qof oo ku dhintay dhul gariirkan, waxaa sidoo kale baadi goob xoogan loogu jiraa dad loo maleenayo in ay ku hoos jiraan bur burka guryo kusoo dumay dhul gariirkaasi

Ciidamada dowlada Talyaaniga ayaa soo bad baadiyay qaar kamid ah dadkii Dhul gariirku saameeyay, waxaana wakaaladaha wararka tabinayaan in dadka ku dhintay dhul gariirkan ay ku jiraan afar qof oo isku qoys ahaa.

Dhu gariirka ayaa sidoo kale saameeyay deegaano kuyaala dalka Talyaaniga, waxaana dhul gariirkan sidoo kale ka dhashay bur burka guryo badan oo qaarkood aasneen, waxaana dadka laga bad baadiyay dhul gariirkaasi la geeyay goobo amaan ah.