Dibad-baxyo ka dhacay Zimbabwe

Dibad-baxyo ka dhacay Zimbabwe


A crowd of thousands of protesters demanding President Robert Mugabe stands down gather behind an army cordon on the road leading to State House in Harare, Zimbabwe Saturday, Nov. 18, 2017.

A crowd of thousands of protesters demanding President Robert Mugabe stands down gather behind an army cordon on the road leading to State House in Harare, Zimbabwe Saturday, Nov. 18, 2017.

Kumanaan taageerayaal ah oo xamaasadeysan ayaa maanta socod ku Maray jidadka magaalada haraare, Caasimadda dalka Zimbabwe halkaa oo ay ka oogayeen dibad bax ay ku dalbanayeen in Madaxweyne Robert Mugabe uu xukunka ka dego.

Dibad baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoraayeen Mugaabe ha iska tago – si deggan oo aan Afgambi aheyn.

Militariga Zimbabwe oo horey u diiday dibad baxayo noocan inay ka dhacaan jidadka Caasimadda Harare ayaa taageeray mudaaharaadkii maanta, iyagoo dadka u tilmaamayay inay isugu tagaan fagaaraha Zimbabwe Grounds ee koonfiurta Magaalada Haraare.

Fagaarahaa waxaa khudbado ay kaga dalbanayeen Mugaabe inuu xilka wareejiyo ka jeediyay dadka u dhaqdhaqaaqa ururada bulshada, siyaasiyiin iyo dad horey ugu soo dagaalamay xuriyadda Zimbabwe.

Fagaarahan – Zimbabwe Grounds- ayaa ah goob taariikhi ah, waana halkii dadka reer Zimbabwe ay ku soo dhaweeyeen Mugabe, markii uu ka soo noqonayay dibad joogga sanadkii 1980kii, ka dib dagaalkii xureynta ee ay Zimbabwe kaga hoos baxday xukunkii dadkii dadka Cadaanka ee laga tirada badnaa.

Dibad baxayada ayaa sidoo kale ka dhacay magaalooyin kale oo Zimbawe ku yaala.

Mugabe, oo 93 sana jir ah dalkaasina soo kuxumayay 37 sanadood ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhega adeeygayo dalab uga yimid ciidamada, Xubno ka tirsan xisbigiisa ZANU-P, iyo siyaasiyiin, kuwaas oo dhamaan ka dalbaday inuu xukunka ka dego.