Dibadbaxyada maanta ka dhacay Jigjiga maxay salka ku hayaan

Dibadbaxyada maanta ka dhacay Jigjiga maxay salka ku hayaan

Jigjiga

Magaalada Jigjiga waxaa ka dhacay maanta dibadbax looga soo horjeedo Misaajidyo isbuucii hore lagu gubay deegaanka Amxaarada taas oo ka dhalatay caro badan oo Muslimiinya Itoobiya ay ka muujiyeen arrintaas.

shalay magaalada Qabridahar ee gobolka Qoraxey ayaa sidoo kale laga banaanbaxay. Maantana magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-deeganaka Soomaalida, waxaa isugu soo baxay kumanaan qof.

Wararka qaar waxay sheegayaan in rasaas ay ciidanku rideen ay dad ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen.

Hoggaanka amniga Dowladda Deegaanka, Cabdi Caadil Xasan Cabdi, oo ka waramaya sida ay wax u dhaceen ayaa sheegay in “magaalada ay hadda nabad tahay”.

“Dad baa intey soo abaabuleen shacabka qeybihiisa kala duwan, waxay dheheen ‘masaajiddii lagu gubay gobolka Goojam, waa in aan u muujino taageero iyo in aan ka xunnahay’, marka dowladda ayey soo ogeysiiyeen,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray: “Arrintaas maadaama ay xuquuq dastuuri ah tahay in shacabka uu si nabadgelyo ah uu u bannaanbaxo”.

Isu soo baxaas oo ka dhacay garoonka magaalada waxaa ka qeybgalay dad aad u badan, balse rabshadaha waxay billowdeen markii halkaa laga soo dareeray, sida hoggaanka amniga ee deegaanka uu xaqiijiyay.

“Waxaa jira dad qas-wadayaal ah oo doonayay in amniga ay faraha ka bixiyaan. Waxay billaabeen rabshad iyo dhagax tuur, ka dibna waxay u dareereen goobaha ay kaniisaduhu ku yaallaan ee magaaladan Jigjiga. Arrintaas, hay’adaha nabad-gelyada si wanaagsan ayey uga hortageen”.

Jigjiga waxaa 2018-kii ka dhacay rabshado ay dad ku dhinteen
Image captionJigjiga waxaa 2018-kii ka dhacay rabshado ay dad ku dhinteen

Kaniisadahaas iyo goobaha ganacsiga ee la sheegay in dadkaas ay doonayeen “in ay boobaan” ayaa loo sameeyay “ilaalo badan”, sida uu sheegay Cabdi Caadil.

Wuxuu tilmamay in dadka aysan “u bisleyn in ay si nabad gelyo ah u bannaanbaxaan oo dareenkooda ay u muujiyaan ka dibna ay kala dareeraan”.

“Waa in laga waantoobo rabshadaha iyo in hantida gaarka loo leeyahay iyo hantida dowladda la dhibaateeyo iyo in khasaaro loo geysto. Shacabka in la dhibaateeyo looma baahna”, ayuu sheegay.

Rabshadahaas magaalada Jigjiga ka dhacay waxay daba socdaan, ugu yaraan saddex masjid oo lagu weerraray gobolka Amxaarada ee Itoobiya, jimcihii la soo dhaafay.

Arrintaas oo ka dhacday magaalo lagu magacaabo Motta oo ay ku nool yihiin dad haysto diimo kala duwan ayaa sheegaya in ay ka dhaceen rabshado ka dib markii dab aan la filayn uu ka kacay kaniisad caan ah oo magaaladaasi ku taal.

Ka dib, dhalinyaro caraysan oo laga shakisan yahay ayaa habeenkii Jimcaha waxa ay weerrareen masaajiddo.

Bishii August ee sannadkan waxaa Jigjiga ka dhacay kullan lagu nabadeynayay Soomaalida iyo oromada
Image captionBishii August ee sannadkan waxaa Jigjiga ka dhacay kullan lagu nabadeynayay Soomaalida iyo oromada

Jemal Mekonnen oo ah taliyaha booliska ee gobolka Amxaarada, ayaa BBC-da u sheegay: ”Isku daygu waxa uu ahaa in la gubo kaniisadda st George oo ku taalla magaalada Motta xalay oo dab ayaa la qabadsiiyay balse dadka ayaa damiyay dabkaasi”.

”Markaasi ka dib ayaa waxay dhalinyaro bilaabeen in weeraraan masaajidyo ,hal masjid ayaa gabi ahaanba la gubay halka labo kale qeyb laga gubay”, ayuu yiri abaanduulaha booliiska gobolka Amxaarada”

Dhanka kale waxaa BBC-da la hadlay mid ka mid ah dadkii goob joogayaasha u ahaa rabshadahani wuxuuna yiri: ”Dadka magaalada Motta waxay caan ku ahaayeen isku duubnida dhanka diimahana, isu dulqaadashada ,iyo is qadarinta”.

”Waan is jecelnahay, waana is aaminsanahay, tanina gabi ahaanba waa burbur nasoo wajahay ,waan ka xumahay waxa gaaray walaalaheena musliminta aad ayaan uga xunahay dhacdadan, maalin murugo ayay u tahay dadka reer Motta,waa wax lagu farxo in qofna uusan ku dhiman dhacdadan”.

Itoobiya waxaa saameen ku yeeshay rabshadaha qowmiyadaha u dhexeeya ee soo noqnoqdayLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionItoobiya waxaa saameen ku yeeshay rabshadaha qowmiyadaha u dhexeeya ee soo noqnoqday

Bilihii la soo dhaafay waxaa dalkaasi ka dhacay qulqulatooyiin Diin lala xiriiriyay, in kastoo weriyayaasha Itoobiya ku sugan ay sheegayaan in kala qeybsanaan dhinaca qowmiyadda ah ay badanaa sababaan xiisaddaha.

Magaalada Jigjiga ayey dhowr goor rabshado ka dheceen tan iyo bishii aguast, 2018-kii. Xilligaas waxaa halkaa ka dhacay rabshado ay dad ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen, waxaana lagu gubay kaniisad iyo xarumo ganacsi.

Guud ahaan, rabshadaha qowmiyadaha dalkaas Itoobiye dhexmara waxay sababeen in ay barakacaan ugu yaraan 2.4 milyan oo qof, sida ay Qaramada Midoobey sheegtay.

Dalkaasi Itoobiya oo dadkiisu lagu qiyaaso 100 milyan, waxaa sannadka soo socda lagu wadaa in ay doorasho u dareeraan, oo ay u codeeyaan xildhibaannada baarlamaanka.