‘Diidmada Trump ee heshiiska cimilada loo joojin maayo’

‘Diidmada Trump ee heshiiska cimilada loo joojin maayo’

Shiinaha & Midowga Yurub: Siyaada Trump ee cimilada aduunka loo joojin maayoLahaanshaha sawirka Getty Images

Hogaamiyeyaasha Shiinaha iyo Midowga Yurub ayaa la filayaa inay isku raacaan soo saarista war cad oo ku aadan heshiiska Paris ee cimilada Aduunka, kaasi oo leh waa “lagama maarmaan mana jirto muhiimad ka wayn abid”.

Qoraalkaas oo qabyo ah oo ay BBC-du aragtay ayaa ku nuuxnuuxsaday “ka go’naanshaha siyaasadeed ee ugu sarreeya” ee lagu fulinayo heshiiskaas.

Waxaa loo arkayaa tallaabadan mid liddi ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald oo isku diyaarinaya in uu ku dhawaaqo Khamiista [maanta] haddii Mareykanku uu ka baxayo hehsiiska Paris.

Warsaxaafadeedka Shiinaha iyo Midowga Yurub ayaa la filayaa in la daabaco maalinta Jimcaha ee beri ah ka dib kulan ka dhici doona magaalada Brussels.

Shiinaha & Midowga Yurub: Siyaada Trump ee cimilada aduunka loo joojin maayoLahaanshaha sawirka EU
Image caption Madaxa EU ee cimilada Miguel Arias Cañete oo salaamaya dhiggiisa Shiinaha Marrakech

Muddo sanad ka badan madaxda midowga Yurub iyo Shiinaha ayaa ka shaqeynayey daaha-gadaaashiisa si ay isagu raacaan hadal-cad oo loo dhan yahay oo ku aadan isbadalka cimilada Aduunka iyo tamarta nadiifka ah.

Document-gaas ayaa wuxuu muujinaya qatarta ka imaanaysa kororka diirimaadka cimilada taasi oo lala mid dhigay “arrin amaanka qaranka ah” isla markaana saameynaysa bulshada iyo siyaasadda, waxaana uu farta ku fiiqayaa in yagleelida tamar nadiif ah ay abuuri karto shaqooyin iyo kobaca dhaqaalaha.

Geesta kale madaxa barnaamijka deegaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa ka shanqariyey in isbahayiga ku aadan wax ka qabashada isbadalka cimilada aanu jilbaha dhigan doonin haddii Mareykanku uu go’aansado in uu dhabarka xijiyo heshiiska Paris.

Eric Solheim ayaa u sheegay BBC in arrintaasi ay leedahay yadadilo wanaagsan maaddaama Shiinaha, Yurub iyo Hindiya ay garhayeen ka yihiin sidii loo wajiji lahaa go’aan kasta oo uu qaato madaxweyneTrump uu noqon doono mid leh saameyn aad kooban.