Diyaarad Qaad oo lagu rasaaseeyay Xudur

Diyaarad Qaad oo lagu rasaaseeyay Xudur

,
Image caption,

Diyaarad qaad sidday oo ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa la rasaaseeyay, sida ay BBC u xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa.

Goobjagayaasha ayaa sheegay in diyaaradda ay garoonka kusoo degtay, ka dibna iyadoo aan rarkii dhigin ay damacday inay duusho.

Sarkaal Itoobiyaan ah oo garoonka ku sugnaa ayaa la sheegay in diyaaradda uu ku amray in aysan kicin, balse aanay dhagaysan oo ay dhabaha garoonka ku oroday.

Askarta garoonka ayaa ka dib rasaas ku furay, oo cagaha ka toogtay, waxaana ay diyaaradu ku dhacday xaafad ku dhaw garoonka.

Lama sheegin cid ay khasaaro kasoo gaartay dhacdadaasi.

Wararka ayaa intaa ku daray in duuliyaha diyaaradda iyo rarka saarnaaba ay hadda gacanta ku hayaan ciidanka Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Xudur.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in diyaaradda ay markii horaba u socotay magaalada Ceel Barde, oo aysan qaadka u wadin magaalada Xudur.

Maamulka gobolka Bakool ayaa maalmo ka hor sheegay in la mamnuucay ka ganacsiga iyo cunista qaadka ka dib markii ay sheegeen inuu dhibaato weyn ku keenay hawlgallada ciidamada dawladda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.