Diyaarad Qaad Sida oo saakay ka degtay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

Diyaarad Qaad sida oo ka timid dalka Kenya ayaa saaka ka degtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kadib markii shalay aanay wax diyaarad ah Qaad sida ka degin garoonka.

Ganacsatada Qaadka ayaa bilaabay inay u dabaal dagaan qaadka la keenay, waxaana la sheegayaa inay hawada ku soo jiraan diyaarado kale.

Wariye ku sugan gaalkacyo ayaa sheegaya in shalay magaalada oo dhan laga dareemay Qaad, hase ahaatee saaka oo Khamiis ah ay dadku mar qura ku farxeen warka ah in diyaarad Qaad sida ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

Magaalada Garowe ayaa shalay waxaa Qaad uga yimid dhinaca Laascaanood oo diyaarado qaad sida ay ka dageen.

Maamulka Puntland ayaa horay uga soo hor-jeestay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku joojisay Qaadka, waxaana ay ku tilmaamtay in aanu khuseyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa isniintii sheegtay inay si KMG u joojisay duulimaadyadii Qaadka ee imaan jiray Soomaaliya, iyadoo xustay in go’aankan uu yahay mid ka dhaqan galayo dhamaan magaalooyinka dalka.