Diyaaradaha Israa’iil oo “duqeeyay Suuriya”

Diyaaradaha Israa’iil oo “duqeeyay Suuriya” 

Diyaaradaha dagaalka ee Israa'iilLahaanshaha sawirka AFP
Image caption Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay duqeeyeen deegaan ku yaalla galbeedka dalka.

Warbixin ayaa sheegeysa in nawaaxiga Hisiya oo koonfurta ka xigta Xumus la duqeeyay, ka dibna diyaaradaha dagaalka ee Suuriya ayaa ka jawaabay duqeynta.

Dad ka tirsan militariga ayaa warbaahin dowladda Suuriya taageera u sheegay in diyaaradaha ay duqeeyeen baqaar wayn oo ku dhexyaalla warshado.

Militariga Israa’iil ayaa diiday in uu ka jawaabo eedeynta loo jeediyay.

Balse, madixii hore ee ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa bishii August sheegay in illaa 100 weerar ay ka fuliyeen Suuriya, tan iyo 2012-kii.

Wuxuu sheegay in weerarada badankooda lala eegtay kolonyada ururka Xisbullah ee Iiraan taageerada ka hela, kaas oo dagaalka ku caawinaya ciidamada dowladda Suuriya ee la dagaallamaysa mucaaradka.

Taliye ka tirsan ciidamada taageera dowladda Suuriya ayaa Reuters u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay duqeeyeen warshad naxaas sameysa oo ku taalla koonfurta Xumus.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain ayaa sheegtay in duqeynta lala eegtay militariga Suuriya iyo xarrumaha xisbullah oo la aaminsan yahay in ay madaafiic sameynayeen.

Ciidamada Suuriya ayaa madaafiic ku riday diyaaradaha dullaanka qaaday. Telefishin Israa’iil laga leeyahay, Channel 10, ayaa sheegay in diyaaradaha ay si nabad ah ugu laabteen xarrumihii ay ka duuleen.

“Maya dabcan, warka la xiriira duqeynta diyaaradaha Israa’iil ay ka geysteen Suuriya, Wuu cad yahay go’aanka Israa’iil: in hub loo dusiyo Xisbullah waa calaamad cas oo indhaheena ku taalla,” ayuu yiri wasiirka sirdoonka Israa’iil, oo la hadlay idaacadda ciidamada.

Qadka kale ee cas waa “faragelinta Iraan ee Suuriya,” ayuu yiri.