
Wararka ka imaanaya Magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo oo ka tirsan deeganada Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Diyaarado sida qaad ay saaka ka degteen deeganadaasi.
Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in isla Diyaaradaasi ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo ay ku dejisay qaad fara badan.
Puntland ayaa sheegtay inuusan Khuseyn go’aanka Dowladda Federalka Somaliya ay ku joojisay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, waxayna taasi macnaheeda tahay in Garoomada Puntland ay ka degi karaan Diyaaradaha qaadka sida.
Maanta Magaalada Muqdisho ma aysan imaanin Diyaarad qaad sida oo ka timid dalka Kenya, iyadoo subax waliba aroortii Diyaaradaha ay imaan jireen Magaalada Muqdisho.
Dowladda Somaliya lama oga waxa ay uga jawaabi doonto Diyaaradah qaadka siday ee maanta ka degay Magaalooyinka Qardha iyo Gaalkacyo