
Tiro ka badan 20 musharax ayaa khubadahooda la dhageysanayaa, waxaana musharax walba laga doonayaa in 10 daqiiqo uu ku soo koobo wax qabadkiisa, iyadoo khubadaha ay soo gaareen ilaa caawa fiidkii, taasoo keentay in ay dib u dhacdo doorashadii maanta la filayay.
Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Max’ed ayaa sheegay in maalinta beeri ah dhici doonto doorashada xubnaha aqalka sare, madaam waqtigu saamaxi waayay oo kudbaduhu soo gaareen ilaa caawa fiidkii.
Ugu danbeyntii, inkastoo tiro ka badan 20 musharax tartamayaan hadda xubnaha aqalka sare ku matalaya maamulka Hirshabeelle ayaa ka kooban 8 xubnood oo loo kala qeybiyay labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, taasoo marar badan uu siweyn uga biyo diiday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo cadaallad darro ku tilmaamay in labada gobol saami isla eg laga siiyo xubnaha aqalka sare. –