Dowlada Federaalka oo sheegtay in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

Dowlada Federaalka oo sheegtay in Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose la dilay

by mahad | Sunday, May 7, 2017 |

May 07 (Jowhar)— Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Milatariga  howlgal ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose ay ku dileen amiirkii Alshabaab ee gobolka Sh/hoose.Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha dowlada Federalka Eng C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay in la diley hogaamiyihii Alshabaab ee gobolka Sh/hoose oo lagu magacaabi jiray Macalin Cismaan Cabdi Baadil.

“5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Macalin Cismaan Cabdi Baadil iyo saddex maleeshiyaadka kooxdaas ah. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awooda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, taasoo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta soomaaliya.

Howlgalkan ciidanka ayuu sheegay Wasiirka Warfaafinta iney tahay mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab.

Labo maalmood ka hor ayay ciidamo isugu jira Soomaali iyo Maraykan wax ay weerareen saldhig ay ururka ALshabaab ku lahayeen deegaan ku dhow degmada Afgoye waxaana howlgalkaas ku dhintey mid ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Maraykanka halka labo kale ay ku dhaawcmeen.

Hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaan sheegin in weerarka lagu diley Macalin Cismaan Cabdi Baadil uu ahaa weerarkii uu ku dhintey sarkaal ka tirsanaa ciidamada Maraykanka kaasoo noqday askarigii ugu horeeyay oo Maraykan ah oo lagu dilo dalka Soomaaliya muddo kabadan labaatan sano.