Dowlada Fedraalka oo go’aan ka soo saartay Khilaafka Siyaasadeed ee Hirshabeelle

Dowlada Fedraalka oo go’aan ka soo saartay Khilaafka Siyaasadeed ee Hirshabeelle

Qaar ka mid ah gobolaha wasiiradaLahaanshaha sawirka.
Image captionQaar ka mid ah gobolaha wasiirada

Dowlada fedaraalka ee Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee maamul goboleedka Hirshabeelle.

Kullan ay yeesheen golaha wasiirada dowlada fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxa lagu lafa guray xil ka qaadistii ay baarlamaanka Hirshabeelle ku sameeyeen madaxwaynaha maamulkaasi Cali Cabdullahi Cosoble.

Ka dib shirka golaha wasiirada ayaa waxa go’aankii ay gaareen golaha wasiirada saxaafada u aqriyay wasriirka arrimaha gudaha ee dowlada fedaraalka Cabdi Faarax juxa.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in ay tixgalinayaan go’aankii ay gaareen baarlamaanka Hirshabeelle ee ay xilka kaga qaadeen madaxawyanha maamulkaasi Cali Cabdullahi Cosoble.

Wasriirka arrimaha gudaha ee dowlada fedaraalka Soomaaliya Cabdi Faarax juxa ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in doorashada madaxwaynaha Hirshabeele lagu qabto muddo 30 maalmood gudahood ah laga soo bilaabo 14 bishan oo ahayd markii ay baarlamaanka Hirshabeelle gaarin go’aanka xil ka qaadista.

Dowlada fedaralka ayaa sidoo kale ugu baaqdy baarlamaanka Hirshabeele in ay dhisaan guddi doorasho oo lagu kalsoonaan karo islamarkana ay wasaarada arrimaha gudaha iyo fedaraalka ay kormeer ka noqonayso dhanka farsamadana ay ka caawinayso.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada fedaraalka Soomaaliya Cabdi Faarax juxa ayaa dhanka kale sheegay in dowlada fedaraalka ay ku baaqayso in la adkeeyo amaanka xiliga kala guurka.

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa 14-kii bishan August waxa ay sheegeen in ay xil ka qaadis ku sameeyeen madaxwaynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.