Dowlada Soomaaliya oo laga cabsi qabaa in mar kale ay joojiso Qaadkii ugu iman jiray dalka Kenya

Dowlada Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in mar kale ay joojiso Qaadkii ugu iman jiray dalka Kenya, kadib markii la sheegay in dowlada Kenya ka baxday dhinaceeda hishiis ayhoray u galeen labada dowladood.

Warbaahinta Kenya iyo kuwa Soomaaliya ayaa qoray in dowlada Soomaaliya qorsheyneyso mar kale in ay jarto ganacsigii Qaadka ee uga iman jiray dalka Kenya, hadii aysan dowlad Kenya fulin qodobadii horay loogu
hishiiyay.

13kii bishii September ee sanadkan ayeey madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ku hishiiyay in Kenya joojiso baaritaanada garoonka Wajeer lagu mariyo diyaaradaha ka dhoofay Soomaaliya, gaar ahaan garoonka Aadan Cade, taa badalkeedana dowlad Somaaliya fasaxeyso xayiraad ay waqtigaa ku soo rogtay Qaadkii uga iman jiray Kenya.

Siddoo kale dowlad Soomaaliya ayaa hishiiska ka dalbatay dowlad Kenya ay fududeyso dal ku galka Kenya oo dhibaato xoog leh ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in mudo sadex bilood gudahooda ah ku dhaqan galin doonto fulinta labadan qodob hishiiska ku jira.

Sidaa daraadeed dowlad Soomaaliya ayaa sheegtay in wali dowlada Kenya fulin qodobadii lagu hishiiyay, taasoo keentay in ay ku goodiso in mar kale ay joojin doonto ganacsigii Qaadka ee uga iman jiray dhinaca Kenya.

Ugu danbeyntii, arintan oo siweyn bulshada Soomaaliyeed, ayaa gaar ahaan waxaa walwalka ugu badan ka muujinaya ganacsatada Qaadka oo daqli badan ka hela. – See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Dec/wararka_maanta29-129054.htm#sthash.ot8BnJQL.dpuf