Dowladda Federaalka oo walaac ka qabta shirka Kismaayo iyo wafdi Wasiiro ah oo ku wajahan

Dowladda Federaalka oo walaac ka qabta shirka Kismaayo iyo wafdi Wasiiro ah oo ku wajahan

by A M Monday, Oct 2, 2017 
 

October 02 (Jowhar)— Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka qabta shirka lagu wado in dhowaan magaalada Kismaayo ku yeeshaan Maamul goboleedyada dalka, iyadoo wada dadaaladii u dambeeyay ee ay ku dooneyso in shirkaas ku hakiso.

Warar ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in wafdi ka socda Xukuumadda loo dirayo Kismaayo, si ay Mas’uuliyiinta Jubbaland kala hadlaan arrimaha shirka.

Wasiiru dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka C/raxmaan Dheere iyo xubno kale ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin Kismaayo, si ay ugu qanciyaan Madaxweynaha Jubbaland in shirka Kismaayo la hakiyo.

Dowladda Federaalka ayaa ka cabsi qabta in shirka maamul goboleedyada uu dhaco, iyadoo doorkii dowladda dhexe uu ka maqan yahay, sidaas darteed ay dooneyso in shir guud oo ay dowladda hoggaamineyso la qabto.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dowladdu ay u aragto shirkaas mid awood siinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, kaasoo dhowaan Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen.

War saxaafadeed ka soo baxay Maamul goboleedyada 27-kii bishii September ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso maamulka Galmudug, waxayna cambaareeyeen qoraalkii ka soo baxay Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo lagu taageeray go’aankii uu gaaray Baarlamaanka Galmudug 26-kii bishii hore.

Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa shir ay Sabtidii yeesheen waxay guddi u saareen qaban qaabada shirka Kismaayo iyo soo dhoweynta wafuuda ka socota maamul goboleedyada.