Dowladda Ingiriiska oo sheegtay in Doorashada Soomaaliya aysan ka dib dhicin Waqtigeedii

Wasiirka Dowladda Ingiriiska  u qaabilsan Arrimaha Afrika ayaa Galabta Madaxtooyada Soomaaliya kula Kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana ay ka wada hadleen Arrimo Dhowr ah oo ay ka mid tahay Doorashada Soomaaliya.

Wasiirka Dowladda Ingiriiska u Qaabilsan  Afrika ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in Doorashada Soomaaliya aysan ka dib dhicin waqtigii loogu talo galay sida aan ka soo xiganay Illo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Beri ayaa la filayaa in Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran ay ka shiraan Waqtiga kama dambeynta ah ee ay dhacayso Doorashada Soomaaliya.