Dowladda Ivory Coast oo heshiis la gashay ciidamo gadoodsanaa

Dowladda Ivory Coast oo heshiis la gashay ciidamo gadoodsanaa

xasaaradda Ivory CoastLahaanshaha sawirka AFP

Dowladda Ivory Coast ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay ciidamo gadoodsan oo in muddo ah khalkhal geliyay guud ahaan dalkaasi.

Ciidamadan ayaa dibadbaxyo ka dhigayay magaalooyinka waaweyn iyo guud ahaan dalkaasi oo dhan tan iyo Jimcihii la soo dhaafay.

Wasiirka difaaca ee waddanka Ivory coast oo ka hadlay telefishinka qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay in la gaaray heshiis lagu dhameynayo gadoodkii ciidamada ee cabsida iyo khalkhalka galiyay waddanka afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Balse labo afhayeen oo u hadlay ciidamada gadoodsan ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan qorshahan, ayna ka dalbanayaan dowlada in ay kordhiso lacagaha ay siineyso, iyada oo askari walba la siinayo lacag u dhiganta 12 kun oo doolar.

Qiyaastii siddeed kun oo askari ayaa ku lug lahaa isku dhacyo dhexmaray ciidamo daacad u ah dowlada iyo kuwa gadoodsan, waxaana isku dhacyadaasi ay ka dhaceen ugu yaraan sagaal magaalo oo waddankaasi ka tirsan, kaddib markii dowladu ay ku gacan seyrtay in ay bixiso gunnooyin ay horey ugu ballanqaaday ciidamda.

Saajin Ciise oo ah askari gadoodsan oo ku sugan waddo xiran oo ku taala gudaha magaalada Bwake ayaa sheegay in askartu ay halkaa ku sii sugnaanayaan tan iyo inta ay dowladdu ka helayaan qarashaadkooda.

Saajin ciise ayaa sidoo kale sheegay in ay ka caroodeen dowladda oo ku guuldareysatay fulinta heshiis wakhtiyeysnaa.

Falaaga hore oo haatan ka mid ah milatariga waddankan, oo u soo dagaalamay sanado badan in madaxweyne Alsan Watara uu xilka qabto, ayaa ka gadooday tallaabo ay dowladda uga noqotay heshiis gunnooyin lagu siin lahaa ka hor inta aysan helin lacagahaasi.

Ciidamada ayaa billaabay in ay rasaas ku furan xarumihii ay ku jireen, kaddibna ay u dhaqaaqaan waddoyinka, iyaga oo waddooyinka jaray isla markaana argagax geliyay dadka shacabka ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee guud haaan waddanka ivory Coast.

Iskuulada, bangiyada iyo goobaha ganacsiga ayaa xirnaa shalay oo isniin ahayd, iyada oo dadkuna ay ku sugnaayeen guryahooda.

Ciidamda gadooday ayaa sheegay in aysan dooneyn in ay sameeyaan inqilaab balse aysan dib u laabaneyn tan iyo inta ay ka helayaan lacagaha ka maqan.