Dowladda Kenya oo beenisay in Al-shabaab la wareegeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

December 12 (Jowhar)— Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka soo baxayay saacadihii la soo dhaafay oo ku aadanaa in Al-shabaab la wareegeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay qoraal kasoo baxay dowlada Kenya oo lagu beeniyay in Al-shabaab la wareegeen degmada Ceelwaaq, waxaana qoraalka lagu sheegay in ciidamada Kenya ku sugan yihiin degmada.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in tiro Alshabaab ka tirsan ay ku dhawaadeen degmada, balse ciidamadooda aysan isaga bixin degmada Ceelwaaq.

” Degmada Ceel-Waaq waxaa gacanta ku haaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Kenya ,waxaan sheegayna in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Al-Shabaab ay xalay qabsadeen degmada” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Alshabaab saacado kooban gacanta ku hayeen degmada Ceelwaaq balse markii dambe ay isaga baxeen.

Kornel Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isla xalay ka baxeen Ceel-Waaq ,islamarkaana hadda ay joogaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya, waxaase muuqata ineysan iska warheyn saraakiisha Soomaaliya iyo madaxda Kenya u hadashay.