
Diyaar garowgii ugu dambeeyey ee ku aadan marti-gelinta shirka madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madaxweynahaayaasha inta badan dalalka xubnaha ka ah IGAD ayaa lagu wadaa inuu beri ka furmo magaalada Muqdisho.
Waxaa shirkan loo qorsheeyey in lagu qabto hotel ku dhow garoonka Aadan cadde, iyadoo loo diyaariyey hool aad u qurux badan oo lagu xardhay calamada dalalka IGAD, waxaana wadooyinka Muqdisho qaarkood lagu dhejiyey boorar waaweyn oo lagu soo dhoweynayo madaxda IGAD.
Amaanka Muqdisho ayaa aad loo xoojiyey, waxaana maalintii afaraad xiran wadooyin muhiim ah oo magaalada ku yaalla, taasoo saameysay socodkii gaadiidka ee magaalada inteeda badan.
Madaxweynayaal uu ka mid yahay kan Sudan ayaa loo malaynayaa ineysan ka soo qeyb geli doonin shirkan sida warbaahinta dalkaas ay shaacisay, ku-xigeenkiisa ayaa la filayaa inuu ku metelo shirkan.
Hogaamiyaha Sudan Al-Bashiir oo dacwad ay ka taallo Maxkamada caalamaiga ah ee dembiyada dagaalka ayaa ka cabsi qaba iney xiraan ciidamada Maraykanka ee Xamar jooga, iyadoo shaki badan la geliyey awooda dowlada Somalia u leedahay iney difaacdo.
Madaxweynayaasha Kenya, Ugandha, Jabuuti iyo raisul wasaaraha Itoobiya ayaa la ilay iney ka qeyb galaan shirka iyagoo marti u ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Shiikh.
Guddiyo kala duwan oo ka kooban dowlada, AMISOM iyo IGAD ayaa loo xilsaaray hab maamuuska iyo diyaarinta shirkan kuwaasoo soo gabgebeeyey howlahooda sida wararku sheegayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com