
Dr Axmed Muumin oo ka qalin jabiyey Medical University in SaintPetersbourg (Russia), sidoo kalana wax ku bartay Metropolitan University for Specialisation (UK) ayaa ku guulaysat in uu helo kalsoonida hogaanka dhaqanka gobolka Awdal, isaga oo u fadhiisan doona golaha wakiilada ee xukuumada fadaraalka Soomaliya gobolka Awdal.
Dr Axmed ayaa ka soo shaqeeyey UK, Danmark iyo Somaliya, isaga oo ku shaqynaayey dhakhtarnimo, waxa kale oo uu ahaa sarkaal sarre oo xaga caafimaadka u qaabilsan, hay’adda IOM muddo badan.
Dr oo hadda ah mushrax ayaa la filayaa in si buuxda uu hogaanku ugu dhawaaqo xubinimadiisa iyada oo culays badani uu ka jiro mutacalimiin fara badan oo ka socda gobolka awdal oo sanadkan isku soo sharaxay xildhibaanimada labada gole ee dawlada Fadaraalka.
Mutacalimiintan ayaa la filayaa in ay wax ka badalaan hanaanka saami qaybsiga guud ee Soomaliya, iyadda oo la filaayo hadii ay ku guulaystaan, kuraasida xildhibaanada, in ay ka qaban doonaan xilal muhiima dawalada cusub ee dhalan doonta, taas oo ay shacabka Soomaliyeed uga faa’iidayn doonaan aqoontooda Sarre, meeshana ka saari doonta, dadkii aan aqoonta badan lahayn ee lagu gayn jiray qaabka qabiilka.