
Jasiiradda Puerto Rico ayaa isu diyaarinaysa duufaan awood badan oo lagu magacaabo Irma, taasoo ugu yaraan 7 qof kusoo dishay, burbur baahsanna ku reebtay jasiirado ka tirsan Caribbean-ka.
Duufaanta Irma ayaa gaartay heerka ugu sareeya ee cabirka duufannada, waxaana haatan ay ku wajahantahay jasiiradaha Virgin, sida ay sheegtay xarunta Maraykanka u qaabilsan Duufaannada.
Duufaantan oo saacadiiba jaraysa masaafo ah 295 km, ayaa durbadiiba roob lixaad leh iyo dabeylo xooggan gaarsiiyay jasiiradda Puerto Rico ee hoos timaada Maraykanka.
Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool jasiiradaasi ayaa xilli hore sii keydsaday cunno iyo biyo, waxaana loogu baaqay in aanay guryahooda kasoo bixin.
Mas’uuliyiinta jasiiradaasi ayaa sheegay in dhowr maalmood ay dadka halkaa ku nool koronto la’aan noqon doonaan.
Duufaanta Irma ayaa ugu horayn ku dhufatay waddanka labada jasiiradood ka kooban ee Antigua iyo Barbuda.
Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Gaston Brown ayaa sheegay in Irma ay waxyeelaysay boqolkiiba 95 dhismayaasha jasiiradahaasi.
Ra’iisul wasaaraha oo BBC-da la hadlay ayaa intaa ku daray in hal qof ay duufaantu ku dishay dalkiisa.
Mr Brown ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool jasiiradahaasi ay gebi ahaanba ka qixi rabaan, ka dib markii loo sheegay inay soo xoogaysatay duufaan kale oo kasoo kacday badda Atlantic-ga.
Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in duufaanta Irma ay ugu yaraan 6 qof oo kale ku dishay jasiiradaha St Martin iyo Saint Barthélemy ee hoos yimaada Faransiiska.
Madaxweyne Donald Trump iyo kaaliyayaashiisa ayaa sheegay inay isha ku hayaan xaaladda Irma.
Haseyeeshee ma cadda saamaynta ay duufaantaasi ku yeelan karto dhul weynaha Maraykanka.