Jowhar: Shirka Hiiraan/Shabeelada Dhexe oo isku raacay, magaca, calanka iyo caasimadda maamulkaas

Shirka aan loo dhameyn ee ka socda xaqrunta Shabeelada Dhexe ee Jowhar ayaa isku raacey magaca Dowlad goboleedka, caasimadda iyo weliba calanka maamulku labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe uu yeelanayo.

Ergada ayaa ugu horeyn wax ka bedalay Wareegto Madaxweyne Xasan Shiikh soo saarey bilowgii sanadkan 2016, taas oo ku xeeriyey caasimadda labada gobol in ay noqoneyso magalaada labaad ee Hiiraan oo ah Buulo-berde. Ergada ayaa hadda isku raacay in caasimaddu noqoneyso Jowhar oo ah magaalada uu ka socdo shirka aan loo dhameyn ee maamulka loogu dhisaayo labada gobol.

Maalintii shalay ayaa ergada u codey 11 magac oo la sheegay in Wasaaradda Arrimaha Guduha Soomaaliya ay soo ururisey, waxaana ergado u codeeyeen in la qaato HIRSHABELLE kaas oo saddexda xaraf oo hore laga soo qaatey Hiiraan iyo magaca gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana uu u muuqda mid laga tusaale qaatey Gal+Mudug.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, ugaaska Beesha Xawaadle oo shirkan si weyn uga soo horjeeda ayaa sheegay in waxa la doonaayo keliya ay tahay in meesha laga saar taariikhda dheer ee magaca Hiiraan oo ka horeeyey Shabeelada Dhexe, waxaana odoyaasha dhaqanka ee Hiiraan doonayaan in maamulka ay hirgeliso Dowladda danbe ee imaanaysa maadaama tan hadda aysan haysan wax mandate ah oo xiligiiba ka dhamaadey.

Ergada ayaa isku raacey in calanka maamulu noqdo saddex gaas cagaaran, webiga iyo geedka berdaha oo la dhex-geliyey calanka Soomaaliya oo buulga iyo xiddiga cad leh.

Inkasta oo shirkaan ay ka maqan yihiin dadka miisaanka ku leh gobolka Hiiraan iyo weliba qaar kamid ah Shabeelada Dhexe ayey u muuqataa in la doonaayo in la doorto maalamahan Madaxweyne ka soo jeeda gobolka Hiiraan, si loo qanciyo bulshada reer Hiiraan, waxaana ilaa hadda la saadaalinayaa in Wasiirka Amniga gudaha ee Soomaaliya uu isu soo sharixi doono xilkaas inkasta oo uu iska fogeeyey mar sii horeysey