Ergooyin isaga baxay Shirka Jowhar iyo Sababta ka dambeysa ka bixitaankooda oo la ogaaday

Ergooyinkii ku xareesnaa magaalada Jowhar kana qeyb galayay shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe ayaa maanta shirka isaga baxay, kadib markii Wasaarada Arimaha gudaha u cadeesay in aysan u heyn wax dhaqaale ah oo loogu tala galay.

Hoolka shirku ka socdo ayaa waxaa saakay xaadiray qaar badan oo kamid ah Ergooyinkii shirka ka qeyb galayay, hasa ahaatee Ergooyinka ayaa hoolka isaga baxay kadib markii ay ogaadeen in aysan jirin wax dhaqaale ah oo loogu tala galay.

Qaar kamid ah Ergada Shirka ka qeyb galeysay ayaa cadeeyay in ay shirka isaga baxeen ayna dib ugu laabanayaan deegaanadii ay markii hore ka yimaadeen, waxa ayna sheegeen Ergada in aan loo ogeyn wax xuquuq ah sidoo kale aan la siin tix galin.

Saraakiil katirsan Urur goboleedka IGAD oo kusugan magaalada Jowhar ayaa bilaabay dadaalo ay ku xalinayaan Ergada maanta shirka ka baxday, waxa ayna wadahadalo la leeyihiin Ergooyinka iyo Odayaasha dhaqanka ee shirka ka qeyb galaya.

Shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe oo horey uga socon waayay caqabado badan oo heestay ayaa hada waxaa kusoo kordhay cabaqabadan cusub ee ah in Ergooyinkii shirka ka baxeyn kana soo horjeedaan in Xaquuq la’aan ay shirka ka qeyb galaan.