Faahfaahin ka soo baxay qarax goor dhow ka dhacay degmada Yaqshid ee magaalada Muqdisho

Gaari waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen ayaa goor dhow oo duhurnimadii ah ku qarxay agagaarka suuqa loo yaqaano Suuq Bacaad oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanku ay qabteen ninkii waday gaarigaas inta uusan qarxin ka hor.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xallane ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu ahaa Surf ciidamada amaanku ay xogtiisa hayeen kuna raad joogeen illaa xalay.

“Xogta gaarigan waa la hayey, illaa xalay ayaana la baadi goobayey, ugu dambeyna duhurnimadii maanta ayay ciidamadu ku qabteen xaafad ku dhow Suuq bacaad, darawalkii oo bastoolad ku hubeysnaa ayaa laga soo dejiyey, wax yar ka dibna waa qarxay gaarigan intii ciidamadu ay isku diyaarinayeen iney furfuraan” ayuu yiri afhayeenku.

C/fitaax Cumar Xallane ayaa sheegay inuusan jirin khasaare buuran oo ka dhashay qaraxan, ayna jiraan dhowr askari oo dhaawacyo fudud ay soo gaareen, wuxuuna xusay in ninka waday gaarigaas ay xireen ciidamada nabad sugida ayna weydiinayaan su’aalo