
Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa salaadii Maqrib ku toogtay Masjid ku yaala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho Fanaankii caanka ahaa ee Cabdi Maxamed (Safaari) oo ka tirsanaa Kooxda Onkod ee ciidanka asluubta Soomaaliyeed.
Dilka fanaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Taliyaha Kooxda Onkod Abwaan Maxamed Maxamuud Shido.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in fanaan Cabdi Maxamed (Safaari) uu mudooyinkan ka baxay fanka uuna u badnaa dhinaca masaajidada iyo cibaadada, caawana lagu dilay masjid ku yaala degmada Waaberi.
Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa isla caawa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku toogatay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlada oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Sabriye Caddow, warar intaas ka badan lagama hayo qaabka uu u dhacay dilka sarkaalkan oo uu saxaafada u xaqiijiyey gudoomiyaha degmada Hodan Axmed Salaad.