Farmaajo oo sheegay in Amniga oo wax laga qabto ay U gogol xaareyso Nolal wanaagsan oo shacabka ay helaan iyo shaqo Abuur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay  in uu ka dhaxlay Madaxweynihii ka horreeyay xaalad aad u a dag marka loo eego dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.

Waxaana uu sheegay in howsha hortaalla iyo waxa suura galinaya aysan isku dhigmin marka la is bar bar dhigo.

Wax ka qabashada Amniga ayaa U gogol xaari doono Nolol wanaagsan  oo ay ku naaloodaan Shacabka Soomaaliyeed, Kobac dhaqaalo,  Abuurida shaqooyin  iyo soo celinta jawi haboon.

Arrimahaan ayuu kaga hadlay Wareysi uu siiyay Wargeyska Afka dheer ee Sharq Al Awsad.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dib u dhiska Ciidamada ay ka mid tahay Barnaamijka Dowladdiisa, waxaana uu ku celiyay in ay ku dadaali doonaan ka qaadista xayiraadda dhinaca Hubka ah ee saran Soomaaliya si Ciidamada dowladdu u helaan kuwa ka fiican k heystaan Al Shabaab oo hadda ay isaga mid yihiin.

Sidoo kale Madaxweynaha oo soo hadal qaaday Taageerada ay u ballan qaaday Sacuudi Arabia  ayaa shaaca ka qaaday in ay ka taageereyso dib u dhiska Ciidamada, la dagaalanka Argagixisada, Mashaariic ku saabsan dib u dhiska dalka, kabida Misaaniyadda Dowladda iyo kaalmooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo Abaaraha haatan dalka ka jira.

Ma maqashaa Qaraxyada ka dhaca Caasimadda? Maxaase dareentaa marka aad Maqasho Qaraxyadaas?

Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa ku jawaabay “  waan maqlaa mararka qaar, waxaana dareemaa walaac xoogan oo ku aadan Muwaadiniinta ay saameynayaan falalkaas Argagixisanimo , iyo Masuuliyadda iga saaran, aniga waxaan leeyahay Caruur, waana dareemaa sida ay noqonayaan Aabayaasha iyo Hooyooyinka u soo dira ilmahooda shaqo ama Waxbarasho ee loo soo celiyo iyagoo ku waxyeeloobay Qaraxyada ama ku geeriyooday, waxaan kaloo ka xumahay dhalinyarada iyagoo Janno raadinaya isku Qarxinaya Eheladooda, halka hoggaamiyayaashooda ay ku raaxeysanayaan Qolalkooda Xasiloon, halkaas isaga cunayaan nimcada aduunyada islamarkaana ay Caruurta dadka u dirayaan dhimasho”