Dabley hubeysan ayaa rasaas kuf urtay baarlamaanka dalka Iran iyo Matxafka Ayatollah Khomeini caasimada dalka Iran ee Tehran.

June 07 (Jowhar)— Dabley hubeysan ayaa rasaas kuf urtay baarlamaanka dalka Iran iyo Matxafka Ayatollah Khomeini caasimada dalka Iran ee Tehran.

Wakaalada wararka dalka Iran ayaa xaqiijisay in dabley hubeysan uu rasaas ka dhex riday gudaha baarlamaanka halkaa oo uu waxyeelo ku gaarsiiyay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahayd.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in xarunta aasaasaha Iranta cusub Ayatollah Khomeini laga maqlay rasaas dhacaysa.

Qof goobjooge ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in weerarka Baarlamaanka la soo afjaray.

Ciidamo badan ayaa la soo dhigey gudaha iyo banaanka baarlamaanka dalka Iran waxaana soo baxaya warar sheegaya in ugu yaraan saddex ruux oo hubeysan ay weerartay xarunta baarlamaanka.

Illaa iyo hadda lama oga ujeedada ka dambeysa weerarka ay raga hubeysan ku qaadeen xarunta baarlamaanka iyo dhismaha kale ee Ayatullah Khomeini.