
Hay’ada danbi Baarista Mareykanka FBI-da oo baaritaan ku waday Emailada ay isticmaali jirtay Hillary Clinton ayaa markale ku dhawaaqay inay wax danbi ah ku waayeen Murashaxada u taagan xilka Madaxweynaha.
Baaritaanka lagu waday Hillary Clinton ayaa la xariira eedeynmo ah inay Emailadeeda khaaska u ah u isticmaashay hawlaha dowlada, iyadoo aan adeegsan Emailkada dowlada, taasi oo khatar gelin kartay sirta dowlada Maraykanka. Balse FBI-da ayaa bishii July (Luulyo) ee sanadkan sheegtay inay soo xirtay baaritaanka isla markaana ay wax danbi ah ku weysay Mrs.Clinton.
Arrintan ayaa markale dib usoo noqotay kadib markii Agaasimaha FBI-da Mr.Comey uu Jimcihii 28kii Oktoober uu sheegay inay heleen emailo horleh ayna dib u eegayaan, warqadaasi uu James Comey u diray Baarlamaanka ayey si weyn u cambaareeyeen Xisbiga Dimuquraadiga oo ku tilmaamay fal lagu khal khal gelinayo ololaha doorashada ee Hillary Clinton.
Madaxa FBI-da ayaa warqad kale oo uu xalay u diray Baarlamaanka Maraykanka ku sheegay in maalmihii lasoo dhaafay hay’ada danbi baarista ay si degdegleh u eegaysay emailada ay heleen oo ay caadatay inay u badnaayeen emailadii ay horey u hayeen, isla markaana ay mar labaad ku dhawaaqayaan in aan wax danbi ah lagu helin Hillary Clinton. Qoraalkan ayaa lagu beegay 2 maalmood kahor codbixinta.