Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho Oo Maanta Dibadbax Cabasha Ah Sameeyey

Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho Oo Maanta Dibadbax Cabasha Ah Sameeyey

Gaadiidleyda ka howl gasha magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyey dibad bax ay kaga cabanayaan lacago xad dhaaf ah oo lagu soo rogey.

Inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta xirey Gudiga Gaadiidleyda ee Gobolka Banaadir, waxaana dibadbaxooda ay ku muujinayeen inay ka xunyihiin lacago si qasab ah ay ugu soo rogtay wasaarada Gaadiidka ee dowlada Fedaraalka oo heshiis la gashay shir si gaar ah loo leeyahah.

Gaadiidleyda maanta cabashooyinka sameeyey ayaa ku andacooday in ay bixin karin lacagaha xad dhaafka ah ee magacyada kala duwan loo yeelay, waxaana ay hadaladooda intaasi raaciyeen in ay lacago kala duwan looga kala qaado muqdisho iyo Afgooye oo laba maamul ay ka taliyaan.

Lacagaha cusub ee lagu soo rogey Gaadiidleyda ayaa la sheegay in loo qaado si ceymis ahaan, waxaana shaqadaas loo xil saaray oo Wasaarada Gaashaandhigga ay kala heshiisay shirkad lagu magacaabo Takaaful.

Barqanimadii maanta ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada waxay xoog ku fureen qaar ka mid wadooyinka ay xireen Gaadiidleyda, iyadoo markii dambe uu si caadi ah kusoo laabtay isa socodkii Gaadiidka dadweynaha