Ganacsato Soomaaliyeed ee Dubai oo markale sheegay in ay dhibaatooyin kala kulmaan kooxo isku xiran

Wadanka Isku tagga Imaaraadka Carabta (UAE) waa dal ay ku nool yihiin Ajaaniib aad u farabadan oo kala af iyo kala diin ah, kuwaasi oo ka kala yimid ilaa 200 oo dowladood, taas oo ay suurta galisay caddaalad kuwada noolaanshaha iyo xukun wanaaga dowladda Emiradka.

Haddaba arintaas ka duwan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee degan magaalada Dubai hasatay sanadihii ugu danbeeyey iyo kuwo ay ku soo xadgudbeen shaqsiyaad ay sheegeen inay ku qaraabanayaan shaarka dowladda Imaaraadka Carabta oo shir Jaraa’iid ku qabtay Magaalada Boosaaso ee gobalka Barri ayaa waxaa ay sheegeen in Arintaa taas ka duwan ay kala kulmeen rag amniyaadka Dubai ka tirsan ganactada Soomaaliyeed la iska xidho, la musaafuriyo loo caga-jugleeyo iyada oo ay ka faa’iidaysanayaan awood darida dowladda Soomaaliya iyo ducfiga safaaradfa soomalida ee Imaaraadka.

Shirka jaraa’iid inta uusan bilaaban ka hor waxaa shiray ganacsato gaaraya ilaa iyo Konton qof oo ganacsadayaal ah, kuwaasi oo ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan dad gashan shaarka ciidanka Amniyaadka Dubai iyo rag kale.

Shirka ka dib waxaa ay Boosaaso ku qabteen shir saxaafadeed oo ay ka qayb galeen warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda.

“waxay kooxdaasi ula dhaqantaa ganacsata somaliyeed sidii xoolo xero kujira oo marba kan la doono la is kala soo baxayo Waxaana intaas noo sii dheer, waxay nimankaa amniyaadka sheeganayaa iska kaaya hortaageen sidii aanu maxkamadaha iyo cadaaladda wadanka u arki lahayn, si aanu dhibka na haysta ula socod siino” ” ayay ku sheegeen shirka jaraa’iid ee ay ku qabteen magaaladaBoosaaso qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu soo dhibaateeyay dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.

Dhibaatada iyo dulmiga lagu hayo Soomaalida Dubai waxaa ay sheegeen in ay ka dambeeyaan koox isku xidhan oo ka kooban Amniyaadka Dubai iyo Amniyad Jubba land ah iyo ganacsade reer Djibouti ah. Kooxdaas oo maslaxada hooda gaarka ah ku fushanaya mas’uuliyaddii lagu aaminay.

Beryahan dambe ganacsatada Soomaaliyeed waxaa lasoo gudboonaaday baqdin, Cabsi iyo welwel joogta ah oo ay ku hayaan kooxahaas is kaashanaya ee Amniyadka sheeganaya gaar ahaan Amniyaadka Dubai gaar ahaan qaybtooda qaabilsan soomalida.