Garoowe: Ergooyinka Doorashada Aqalka Hoose oo Tababar Loo Furay

Tababar soconaya hal maalin ayaa loo sameeyay Ergooyinka beelaha ee dooranaya xubnaha Aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka oo maalinta Beri bilaabanaysaa.

Tababarkan oo ay ka qaybgaleen in kabadan 600 ergey oo matalayay 8 Beelood, wuxuu ka kala dhacay Jaamacadaha PSU iyo Bariga Afrika ee Magaaladda Garoowe, waxaana soo qabanqaabiyay Guddiga doorashadda dadban ee heer Puntland.

Ergooyinka ayaa la siinayay casharo la xiriira habka iyo sida ay u codayn doonaan maalinta Sabtida ah, Shuruucda doorashadda iyo qaababka ay u kala fariisan doonaan, Waxaa kaloo lagu soo bandhigay warqadaha doorashada iyo Sanduuqa codaynta.

Ergooyinka tababarka loo furay ayaa maalinta beri ah oo bishi ku beegan tahay 5 Nofember 2016 waxay dooran doonaan 12 Xildhibaan ee Aqalka Hoose  ee ugu horreeya oo ka soo jeed 8 beelood  oo ka mid ah Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda dadban ee heer Puntland Nabadoon khaliif Aw-cali iyo Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah guddiga doorashadda heer federaal ayaa ka hadlay furitaankii tababarka, iyagoo sheegay in hadafka laga leeyahay tababarka ay tahay in la fogaado in jahwareer iyo isqabqabsi uu ka dhaco maalinta codaynta.

Doorashadda 12 xildhibaan ee ka mid ah 37 xildhibaan ee Puntland u matalaya Aqalka hoose ee Barlamaanka federaalka  Soomaaliya ayaa dhacaysa iyadoo weli ay jiraan beelo tiro badan oo ka cabanaya sida ay guddiga doorashadu u maalmuleen diiwaangalintii Ergooyinka iyo musharixiin loo diiday inay ka qaybqaataan doorashadda.