General Gabre oo eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dalak Ethiopia General Gabre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed CabdulahI Farmaajo inuu xushmeyn waayay ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka Soomaaliya.

 

General Gabre ayaa bartiisa Twitterka waxa uu ku qoray Madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdullahi Farmaajo uu xushmeyn waayay ciidamada Ethiopia eek u sugan magaalada Baydhabo ayagoo qeyb ka ah hawlgalka Midawga Africa ee AMISOM.

“Madaxweynaha Soomaaliya xurmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada AMISOM gaar ahaa kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhabo”ayaa lagu qoray barta twitterka ee Gabre.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa laga reebay inay kamid noqdaan ilaalada Madaxweyne Farmajo booqashadii uu ku tegey magaalada Baydhabo.

Jen Gabre ayaa lagu eedeeyaa inuu si weyn ugu lug lahaa siyaasadda Soomaaliya madaxdii dalka soo marayna uu si aad ugu dhawaa.