
Maamulka Jubbaland oo ka mid ah maamulada ka jira dalka ayaa sheegay in dhawaan Magaalada Kismaayo ay ka bilaaban doonto doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Waxa uu sheegay in ay waqti dheer in ay ku qaadatay soo xulista iyo sidoo kale soo xareynta Ergooyinka dooranaya xildhibaanada Aqalka Hoose ee dowladda Somaliya u matalaya deegaanada maamulka Jubbaland.
Madaxda dowladda Somaliya ayaa ugu baaqaya maamulada ka jira dalka in ay doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.
Maamulka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee ay ka bilaabato doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose , waxana shalay Garoowe lagu doortay 10 xubnood Puntland u matali doono xildhibaanada dowladda Soomaaliya, iyadoona lagu wado maanta in la doorto inta dhiman.