Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne kuxigeenka oo la sheegay in xilka laga qaaday

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne kuxigeenka oo la sheegay in xilka laga qaaday

by A M Saturday, Sep 30, 2017 
September 30 (Jowhar)— Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaanada taageersan madaxweyne Xaaf ay xilalka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

 

Kulan Xildhibaanada caawa ku yeesheen Madaxtooyada Cadaado ayaa waxay ku sheegeen inay xilalka ka xayuubeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey.

Xildhibaanada xilkaka qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inay gaarayeen 52 Xildhibaan, sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka ayaa isna la sheegay in 49 Xildhibaan inay xilka ka qaaday labo xildhibaan ka aamustay, 1 xildhibaan uu diiday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Mr Xareed.

Wariye ku sugan Cadaado ayaa sheegaya in xaalada ka jirta Cadaado ay u muuqato mid fowdo ah, iyadoo Xildhibaanada labada dhinac kala taageersan ay qaadayaan tallaabooyin lid isku ah.

Goor sii horeysay Xildhibaanada ka tirsan Galmudug oo ahaa kuwii iyana xilka ka qaaday Xaaf waxay ku dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Xareed.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug iyo Mas’uuliyiinta sare ayaa labo garab u kala jaban, waxaana la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xaalada siyaasadeed ee marba marka ka dambeysa sii murgeysa.

Sidoo kale Xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaa waxay maanta magacaabeen Guddi Doorashada Madaxweynaha oo ka kooban 13 xubnood.

Dhinaca kale Ciidamadii laga saaray Cadaado ayaa la sheegay inay dib ugu soo laabteen gelinkii dambe ee maanta, waxayna xaalada magaalada ka dhigtay mar kale mid kacsan.

Khilaafka ka taagan Galmudug ayaa ka dhashay go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana go’aankaas ka horyimid Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka.