Gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Ee Gobolka Awdal  Idiris Faaarax Muuse oo iscasilay kadib markuu u adkaysan waayay cadaadis kaga yimid xagga maamulka Hargeysa

Wararka soo Gaadhaya Shabakadaha wararka  ayaa sheegaya inuu is casilay Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal idiris Faarax Muuse waxaana ay wararku sheegayaan inuu gudoomiyuhu isku casilay cadaadis xoogan oo kaga yimi gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadan xaaji cali waxaana wararku ay ku daraayaan in cadaalad darada maxkamada sare ee somaliland darteed uu gudoomiyaha maxkamada racfaanka ee Gobolka awdal uu isku casilay kadib markii shaqaalaha ugu badan maxkamada sare iyo racfaankuba ay isku soo koobeen beel kaliya