
Gudoomiyaha xisbiga UCID- Ing. Faysal Cali Waraabe ayaa socdaal aan la soo dhawayn ku yimid dalka Jabuuti, gudoomiyaha oo dhowr bilood ka hor ay aad u taabacsanaayeen siyaasiyiin iyo ganacsato reer Jabuuti ahi kuwaasi oo taageeri jiray xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale xukumadda Siilaanyo, ayaa bilihii ina soo dhaafay dhabarka u soo jeediyay gudoomiye Faysal Cali Waraabe, waxna socdaalka uu shalay gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku yimid dalka magaalada Jabuuti uu daarnaa in uu la kulmo ganacsadaha reer Jabuuti Maxamed Aw Siciid oo lbadii bilood ee ugu danbeeyayba xidhiidhka u jaray Faysal Cali Waraabe isla markaasina diidayba in uu Fayal Cali Waraabe ka qaadi telefoonka.
Taasi oo gudoomiye Faysal ku kaliftay in uu socdaal ku tago dalka Jabuuti si loogu soo oofiyo waxyaabo hore loogu balan qaaday, oo ay ka mid ahayd aduun uu dib ugu hantiyo musharaxnimada xisbiga UCID, oo xisbigaasi iyo Faysal Cali Waraabea ay u cumaamadeen ama xusheen in uu xisbigaasi musharax ka noqdo mudane Jamaal Cali Xuseen.
Gudoomiye Faysal ayaa ay wararku sheegayaan in madax uu maanta la kulmay oo reer Jabuuti ahay ay u xaqiijiyeen in aan dalka Jabuuti ayna xiisaynin siyaasada xisbiyada Kulmiye iyo UCID ee garabka Faysal oo iyagu kulamo kaangadisan dalka Imaaraadka kula soo yeeshay ganacsadaha reer Jabuuti ee C/raxmaan Boore, waxna uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe la soo gudboonaatay xaalad aad u qalafsan iyada oo fikradihii ka danbeeyay in uu isi soo sharaxo ay u cadeeyeen in ayna haba yaraatee waxa xiiso ah ayna u haynin mashruuca burburinta xisbiga UCID, taasi oo la doonaayay in Jamaal Cali Xuseen laga reebo musharaxa xisbiga Kulmiye taasi oo gudoomiye Faysal loo sheegay in xaaladii iyo siyaasadii xiligaasi taagnayd ay is bedehshay oo aan maanta ganacsatdii Jabuuti ee qorshahaasi wadatay ayna dan iyo muraad ka lahayn maanta in musharaxa xisbiga Kulmiye ay u ololeeyaan, waxna uu gudoomiye Faysal hada dhex dabaalanayaa Cir kaa dheer, dhul kaa dheer