Guduumiyaha Baarlamanka Puntland oo dagaal ku qabsaday gobolkaa Sanaag iyo khasaare ka dhashay.

War Deg Deg Ah:Dagaal Qabsaday Weftigii Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland iyo Khasaare xoogan

Wararka laga helayo deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in iska hor imaad uu halkaasi ku dhex-marey dad Shacab ah oo careysan iyo ilaalada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil.

Iska hor imaadka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag, kadib markii dad ka careysan imaatinka Gobolka Sanaag ay banaanbax kala hor yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka, hayeeshee ay ilaalada rasaas ku fureen.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ay booqasho ku joogaan Maanta Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag iyada oo dadka Gobolkaasina aad uga careysanyihiin xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland.

Dad ku sugan deegaanka Midigale ee gobalka Sanaag ayaa u sheegay Warbaahinta in rasaastaas ay ku dhaawacmeen ilaa 7 Ruux oo ay kamid yihiin qaar kamid ah ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Taliye ku xigeenka Booliska Maamul Goboleedka Puntland Caydiid Axmed Nuur  iyo askar la socotay ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay degaanka Midigale ee Gobolka Sanaag.

Dadka dhaawacmay ayaa guud ahaan tiradooda lagu sheegay 7 qof oo ay afar ka midyihiin Ciidanka iyo saddex Ardey oo ka qeyb qaadanayay banaanbaxa ka dhanka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.