Hantidhawrka Guud oo sheegay in doorashada aqalka Hoose Musuq-maasuq u dhacdey

Hantidharka Guud ee Soomaaliya Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in doorashooyinkii Aqalka hoose ee ka dhacay qaar kamid ah magaalo madaxyada Dowlad goboleeedyada ay hareysey Musuq maasuq ayna ku baxdey hanti Dowladeed.

Hantidhawrka oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegay in ugu yaraan 6 kursi oo ka mid ahaa kuwa loo tartamaayey loo beddeley gacantaag halka markii hore waraaqo ergadu ku codeynayeen, waxaana hareeyey codadka oo la kala iibsanayo, ku takri-fal awoodeed iyo cabsigelin.

Hantidhawrka ayaa sheegay in laba jeer gacan ka hadal ka dhacay Jowhar, qof ergooyinka kamid ah lagu diley Cadaado, marna rasaas ka dhacdey goobya doorashada, Baydhabo dad musharixiin ah loo diidey in ay tartamaan, halka Kismaayo ergooyinka qaarkood gacanta isula tagaan.