Hawgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday Shabeellaha Hoose.

Hawgal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday Shabeellaha Hoose

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOMLahaanshaha sawirkaREUTERS

Image captionSaraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM

Wararka laga helayo koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dawladdu oo ay taageerayaan kuwa hawgalka midowga Afrika iyo ciidamo Maraykan ah ay saaka hawlgal milatari ka bilaabeen deegaanada ay ku xooganyihiin Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka, kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamo Maraykan oo ah ka baxay saldhiga garoonka Balidoogle ayaa gaaray tuulada Bariire oo ay horey gacanta ugu hayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM ayaa iyaguna gaaray isla tuulada Bariire iyagoo ka baxay deegaanka lambar 50 ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.

Inkastoo meelaha qaar la maqlay qaraxyo, haddana ma jiraan wax war ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay ka dhashay dullaankani.