Hay’ad Cilmi baaris Itoobiyaan ah (Centre for Dailogue, Research and Cooperation) oo sheegtay in madaxweye Maxamed C/llaahi Farmaajo ay horyaallaan caqabado waaweyn.

Hay’ad Cilmi baaris Itoobiyaan ah ayaa sheegtay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ay horyaallaan caqabado waaweyn.

Warbixintan oo si qoto dheer uga hadashay xaalada Soomaaliya kadib doorashadaii lama filaanka ahayd ee uu ku so baxay Farmaajo ayaa lagu sheegay in beesha Hiraab oo talada sare laga fogeeyay ay yihiin awoodda qarsoon ee sugeysa Madaxweynaha cusub.

Hay’addan oo lagu magacaabo CDRC (Centre for Dailogue, Research and Cooperation) isla markaana ku xiran Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa howsha ugu weyn ee Farmaajo ka dhigtay sidii uu Soomaaliya u nabadeyn lahaa dalalka deriska ahna xiriir fiican ula yeelan lahaa.

Warbixinta oo 10 bog ka kooban waxay si qoto dheer uga hadashay caqabadaha hor yaalla dowladda Farmaajo, magacaabidii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo halis Alshabaab gelin karto dowladda cusub.

GUUD AHAAN WARBIXINTA HOOS KA AKHRISO