Hay’ada gift for the givers iyo qaar ka mid ah tuulooyin ku yaal degmada Jowhar oo ku guuleestay Fatahaada uu wabiga Shabelle ka waday deegaanka Bayaxow – SAWIRO

Hay’ada gift for the givers iyo qaar ka mid ah tuulooyin ku yaal degmada Jowhar ayaa ku guuleysatay 45 maalmood kadib in la xiro Buqda Bayaxow oo muddo afar bilood ay fatahaad ka socotay.

Waxaa suurtogashay in maanta la dul maro buqda dusheeda iyadoo boqolaal ruux ay ka soo qeybgaleen una soo daawasho tageen inay arkaan buqda oo la xirey.

Maamulaha xafiiska Muqdisho ee hayada gift for the givers cabdsalan Abuukar Sabriye ayaa sheegay in dadaal dheer kadib lagu guuleystey in la xiro buqda waxana uu u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qeybqaatay xirida buqda.

“Dhib badan ayaa laga maray sidii loo xiri lahaa iyadoo ay shacabka tuulooyinka Bayaxow,Baardheere iyo Kulmis Yarow ay har iyo habeen nala garab taagnaayeen sidii aan ugaga guuleysan la hayn xiritaanka buqda.”ayuu yiri Cabdraxmaan Abuukar Sabriye.

Guddoomiyaasha tuulooyinka Bayaxow,Kulmis Yarow iyo Baardheere ayaa ugaga mahadceliyay hay’ada Gift for the Givers sida ay dadaal dheer kadib ugu guuleysatay in la xiro buqdan.

Buqda Bayaxow ayaa waxyeelo faro badan geysatay waxa ay gaarsiisay kumanaan hekter oo ah dhul ay ku abuuraayeen dalagyo kala gedisan.Fatahaadaha wabiga Shabelle ayaa sanado badan iska soo daba laabanayay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Hay’ada Gift for the Givers ayaa ka mid ah hay’adaha sida gaarka ah wax ugu qabto beeralayda gobolka Sh/dhexe iyo deegaano kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya.