Hay’adda Human Rights Watch oo dalka Nepal ku dhaliishay guurka gabdhaha yaryar

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in Nepal aysan sidii loo baahnaa wax uga qabanaynin guurka caruurta.

Hay’addu waxay sheegtay in saddexdii gabdhood ee kastaba in kabadan mid la guursado iyaga oon gaadhin 18 jir.

Warbixinta oo loogu magacdaray “wakhtigii aan heesilahayn een ciyaarilahayn” ayaa lagu sheegay in ay yartahay cadaymaha muujinaya in dawladda Nepal ay si buuxda isugu dayayso in ay caruurta ka joojiso in la guursado.

Warbixintaas waxaa lagu sheegay in gabdhaha yaryar ee la guursado ay intooda badan ka soo jeedaan bulshooyinka asal ahaan u daganaa dalkaas.

Caruurta in la guursado ayaa mamnuc ka ah dalka Nepal laakiin dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa waxay sheegayaan in ay aad u yartahay dhaqan galinta arrintaas.

Masuuliyiin u hadlay dawladda ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin eedaymahaas waxayna sheegeen in xukuumadu ay horumar wanaagsan ka samayso arrintaas.