Hay’adda Nabad-sugidda Somalia oo soo saartay Amarro lagu xoojinayo Ammaanka Muqdisho

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Somalia, ayaa soo saartay maanta amarro lagu xoojinayo Amaanka Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku sheegtay inaan lagu arki karin laga billaabo Maanta oo Axad ah – Askari hubeysan oo aan ka mid ahayn Laamaha ammaanka caasimadda loo xil-saaray.

Amarrada ayaa waxaa ka mid ah in Dhammaan Ciidamada gaarka ah ee shirkadaha Amniga Qaabilsan aysan wax dhaqdhaqaaqyo ah – ku dhex-sameyn karin magaalada, tan iyo inta uu ka dhammaanayo shirka IGAD oo la filayo inuu Muqdisho ka dhaco Talaalada oo ah 13-ka bishan September.

Sidoo kale, Qoraalkaan ayaa lagu xusay in cidii ku xad-gudubta Amarkan oo la qabto laga Qaadi doono Tallaabo Waafaqsan Sharciga, inkastoo aan la sheegin nooca Tallaabada laga qaadayo.

Haddaba, Akhriso Qoraalka Nabad-sugidda DFS ee ku Aaddan Amniga Muqdsho;

201691163609188396403746101-4