Heshiis laga gaaray colaado dhawaan ka dhacay Marka

Labo beelood oo dhawaan dagaalo ku dhex mareen magaalada Marka iyo qeybo kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa heshiis ku gaaray Muqdisho. Kadib shir Muqdisho 4 maalmood uga socday cuqaasha iyo waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah ayaa labada daraf ugu dambeyntii waxay ku guuleysteen in lagu heshiiyo in xabbada iyo colaada la joojiyo sida ugu dhaqso badan.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in gargaar la gaarsiiyo dadka colaaduhu saameeyeen ee gobolkaa. Magaalada Marka iyo guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ah meelo ka tirsan meelaha dagaalada sokeeye ay aadka u saameeyeen ee koofurta Soomaaliya