
Xisbiga haya talada dalka jarmalka ayaa la sheegayaa in uu la kulmay guuldaradii ugu waynayd ee soo marta, kadib markii lagaga adkaaday Natiijadii ka soo baxday doorashooyinkii maxaliga ahaa ee ka dhacay magaalada barliin.
Xisbiga diidan soo galootiga ayaa ah kan sida aadka uga faa’iideystay doorashooyinkan, waxa uuna markii ugu horaysay xubno ku yeelanayaa xisbigu 10 ka mid ah 16-ka aqal Barlamaan ee jamarlka ku leeyahay Goboladda dalkaasi.
Xisbiga ay hogaamiso Angela Merkel ayaa waxa uu helay wax ka yar %17 doorashooyinka heer Goboleedka ee ka dhacay caasimadda Jarmalka ee Berlin,
Dadka Siyaasadda falanqeeya ayaa si cad u sheegay in shacbiyadda Angela Markel ay sii lumaysay tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay albaabada u furtay soo galootiga tirada badan ee ka soo baxsanaya colaadaha ka socda wadamo badan oo dunida ka mid ah