Iibinta hubka oo ay ku kala qaybsan tahay xukuumadda Sweden

Sida ku cad heshiishkii ay wada gaareen dowladda, Xisbiyadda Centerpartiet iyo Libraalerna, ayaa dhigayey  in aan hub laga iibin karin dalalka aan demoqraadiyadu ka jirin, qeybna ka ah dagaalka lagu bur buriyey Yemen.

Balse waxaad mooda in ay jiraan kala aragtiyo duwaansho la xirrira heshiiskan iyo sida loo fahmay intaba. Qodobka toddobaatanaad ee waxa loogu yeero ”heshiis-kii  Jannaayo”, ayaa sheegaya in mabda’a afarta Xisbi uusan ogolaaneyn in hub loo dhoofiyo wadamada aanay dimoqoraadiyadu ka jirin, gacana ka geeystay dal dagaal lugu qaaday.

”Aad bey muhiim u tahay in la joojiyo u dhoofinta hubka wadamada ku lug leh dagaalka Yemen, halkaas oo ay  iminka ka jirto musiibadii ugu weynayd ee xilligan aadanaha soo gaara, sidaa darteed aad buu arrinkaasi noogu yahay mid weyn oo muhiim ah” sidaa waxaa tiri Janine Alm Ericson, oo ah afhayeenka siyaasada arrimaha dibadda ee xisbiga Deegaanka.

Hey’adda ISP ee dawladda, ayaa bixisa rukhsadaha dhoofinta hubka shaqsiyeed, hey’aduna ma aysan helin tilmaan cusub, tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii bishii Janaayo ee ay wada gaareen dawladda iyo xisbiyada C iyo L ee sanadkii ina dhaafay. Balse hey’addu waxeey halkeedii ka sii wadataa bixinta rukhsadaha qalabka milateri ee loogu dhoofinayo dalalka Imaaraadka, Kuweyt, Qadar, Urdun, iyo waddamada qeybta ka ah dagaalka Yemen ku qaaday ee Isbaheysiga Sacuudigu hor boodayo.

Waxaa horey u jiray jiray sharciyo ka hor heshiishkii  bishii janayo, kaa oo  ah in Sweden ay u hubka dhoofin karto wadamadaasi, laakiin iminka ay tahay in la joojiyo. Balse wasiirka caddaalada Sweden Morgan Johanson, ayaa laftiisa farta ku fiiqay in farqada 70aad heshiiskii lawada gaaray ku cad yahay sidaa tahayna in la taabo geliyo.

”Tani waxeey aheyd mid xaqiiq ah oo muddo dheer jirtay, balse haatan mudan in ay waadix u noqoto caalamka kale” ayuu yiri wasiirku mar uu waramayey idaacada radio Sweden.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in xisbiyadu iyo caalamkuba ogaadaan sida ay dowladu arrinkani ay uga go’an tahay wax ka qabashadeeda. Saas oo ay tahayna dowladu ay uun dhinac si wax uga eeggi karto.

Dhinaca kale aragti taa ka duwan, waxaa qaba Xisbigga Deegaanka oo sheegay in farqada 70aad ee heshiis-ku aannu aheyn sida loo tarjumanayo ee ay tahay in aan Sweden hub u dhoofin karin dalalkaa qeyb ka ah dagaalka Yemen.

”Xisbigga Deegaanku uma arko farqada 70-aad mid amba qaadaya sharciyo jiray, balse waxeey si weyn ugu cad tahay heshiis-kii afarta xisbi, sidaa daraadeena waxaan ku dhaganahay in uu taabo galo , lana yareeyo dhoofinta hubka gaar ahaan dalalka dagaalkaasi ku lug leh”. Sidaa waxaa  tiri Janine Alm Ericsson, oo hadana oo ay sheegtay in ay marar badan dhacday in miiska xukuumadda la soo saaray kiiska la xirriira u dhoofinta hubka dalalkaasi laakin ganafka lugu dhiftay.

Si kastaaba xaal ha noqdee, rukhsadaha hubka ee la bixiyo ayaa waxaa la marsiiya heerar sharci oo cusub oo loogu talagalay.

Linda Åkerström, waxeey mas’uul ka tahay hey’ad lagu magacaabo Svenska Freds, oo ah hey’ad la socota hubka. Waxaa ay sheegtay in ay aad uga xun tahay in weli  ay halkeedii tahay dhoofinta hubka, halka arrinkaasi uu sida waadax ah ku cada tahay farqada 70-aad ee heshiis-kii jannaayo.

somaliska@sverigesradio.se

Maja Lagercrantz
maja.lagercrantz@sverigesradio.se